Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay kulamadii uu la soo yeeshay Jaaliyada Soomaalida iyo dhammaan socdaaladiisii uu ku soo maray wadamo kale.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo Maanta shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyay Safaradiisii wadamada Maraykanka iyo Liibiya uu ku soo maray.
Madaxweynaya ayaa ammaanay Jaaliyadaha Soomaalida eek u dhaqan Magaalooyinka Dalkaasi Maraykanka oo uu in mudda ah dalxiis ku dhexmarayay Deegaanada ay Soomaalida u badantahay.
Shariifka ayaa sheegay in uu si weyn ugu qancay hadalada ka soo baxaya fekerka Jaaliyada Soomaaliyyeed ee Dalkaasi isagoo sheegay in ay nabadda u bahanyihiin islamarkaana aanay dani ugu jirin in dal kale ay sii jogaan Jaaliyadaasi.
Madaxweynaya ayaa dhanka kale sheegay in uu kulamo la soo yeeshay madax kala duwan oo uu kala hadlay arinta Dalka Soomaaliya islamarkaana uu ka dhaadhiciyay wanaaga Dowladiisa ay waddo iyo dadaalada ay ugu jirto nabad Soomaaliya ka dhalata.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay in Ciidamo Dowlada Soomaaliya ay ka qoranayso Dalka Kenya taasi oo uu ku sheegay mid been abuur ah islamarkaana Dowladiisa ay Ciidamo ku filan haysto.
Waa markii ugu horeysay oo uu afka furto Madaxweyne Shariif tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaalkiisii Dalka Maraykanka oo uu in mudda ah ku soo qaatay nasasho marka loo eego howsha sugaysa iyo Dagaalada Dowladiisa weli lagu wado.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.