Bartamaha(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta u duulay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.
Madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo xubno wasiirada ka mida oo uu hogaaminayay ayaa maanta u dhofay magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia halkaasi oo la sheegay in uu kulamo uga qeybgalayo.
Waxaa socdaalka Madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Axmed Jaamac iyo qaar kale oo aan la shaacin wallow la ogaaday in uu socdaalka ka baaqday wasiirka Gaashaandhiga.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in socdaalka madaxweynaha uu ku aadan Ethiopia uu yimid markii safaarada Maraykanka ay u yeertay madaxweynaa si loo dhexdhexaadiyo Taliyaha PIS-ta iyo Madaxweynaha oo khilaaf u dhexeeyo.
Wax war ah ma dhiibin xiliga madaxweynaha uu ka dhoofayay maanta garoonka diyaaradaha bandar qaasim ee magaalada Boosaaso.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.