Bartamaha(Garoowe):-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland ayaa kulan la yeeshay u qeybsanaha gargaarka Bini’aadanimada Qaramada Midoobe Mr. Mark Bowden.
Kulanka oo maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxa uu yimid ka dib booqasho wafdi uu masuulkaasi hogaaminayay ay ku soo gaareen dhulka Puntlandi si ay u qiimeeyaan xaalada Nolosha.
Mark Bowden iyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo kulan ka yeeshay Xaalada Bini’aadanimada ayaa waxa uu sheegay Madaxweynaha in dhibaato ay ka jirto deegaanada Maamulkaasi oo wax ka qabasho u baahan.
Madaxweynaha iyo Xubnaha Wafdiga ayaa waxa ay isla meel dhigeen in la qiimeeyo Xaalada dhibaatada ee ka taagan Deegaanada Maamulkaasi gaar ahaan nolsha Barakacayaasha iyo Qaxootiga.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.