Bartamaha (Garoowe):-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa balan qaaday in uu ku dadaalayo dhexdhexaadinta Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.
Madaxweyne C/raxmaan Mxamuud Faroole oo waraysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in uu u istaagayo dhexdhexaadinta Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Sharma’arke.
Faroole ayaa sheegay in aanay u dulqaadan karaynin khilaaf muuqda oo ay ku wada shaqeyn kari waayaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihiisa waxaana uu cadeeyay in dhawaan uu dhexdhexaadin abaabulayo.
Faroole waxa uu ka dalbaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in ay xaalada qaboojiyaan isagoo balan qaaday in uu abaabulayo kulan ay labadaasi masuul ku wada turxaan bixinayaan qodobada la isku fahmi la’yahay.
Balan qaadka faroole ayaa imaanaya xilli Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu u gudbay banaanka islamarkaana beesha caalamka ay ka war hayaan khilaafaadka ku salaysan Dastuurka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Tiisa daryeela baa tu kale wax tara….
Bal marka u horeysa ha iska dhiciyo ATAM (AL-SHABAAB) oo dagaal kulul ku haya.
Ummadda Soomaaliyeed waa la socotaa in Cumar Cabdirashiid uu khaldanyahay.
Dastuurka Soomaaliyeed maxaa ka galay reer yurub ?
Ma se oga miyaa in Dowladda K.M.G. in aaysan SHACABKU soo dooran oo aan loo wada dhammeyn (GOBOLLADA OO DHAN).
Sida muuqata Cumar Cabdirashiid SIYAASI khibrad leh ma ahan.
Gabo gabo:- Shiikh Shariif, Shariif Xassa iyo Cumar Cabdirashiid isma dhaamaane
ALLOW kuwo kher qaba noogu badal.. AAMIIIIIIN.. AAAMIIIIIN…..