Madaxweynaha Yeen Cali Cabdalla Saleh Oo Ku Soo Jeeda Dalkiisa Yemen

Posted on Aug 8 2011 - 7:32am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

AliAbdullahSalehMuqdisho (Yemen) :- Illo Dowladda Yemen ka tirsan ayaa sheegay Madaxweyne Cali Cabdullah Saleh in uu ku wajahan yahay magaaladda Sana’a ee xarunta Dalka Yemen, ka dib markii sabtidii laga saaray isbitaal uu ku jiray oo ku yaala magaaladda Ridh tan bishii June.

TV-ga Dowladda ayaa baahiyay muuqaalka madaxweynaha oo ka baxaya isbitaalka kaa oo ku soo jeeda dalkiisa,

Madaxweyne Salax ayaa dalka Saudi Arabia loo geeyay daweeyn ka dib markii uu ku dhaawacmay weerar bishii June horraanteedii lagu qaday qariga madax tooyadda Sana’a.

Illo kale oo dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters Mr. Salax maalmaha soo socdo uu ku soo wajahan yahay caasimadda Sana’a.waxa kaloo ay sheegeen madaxweynaha in uu ku sugnaan doono guri ku yaala magaaladda Riyadh ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga.

Si kastaba, labadii maal mood ee la soo dhaafay Yemen waxa ka soday rabshado waa weyn kuwaas oo u dhexeysa ciidamadda amaanka iyo kooxo daacad u ah hogaamiye qabaa’il dalka Yemen ka arrimiya qaybo ka mid ah.

Lix bilood ayaa dalka Yemen waxa ka socda dibaxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo xukunkaas dalkaas haya mudo 30-sano ka badan.

Wararka waxa kaloo ay sheegayaan madaxweynaha in uu la socdo Ra’iisal wasaare Cali Max’ed Mejawar,oo isna ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday madaxweynaha kaa oo isna laga bixiyay Isbitaalka.