Bartamaha(Nairobi):-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Xalay ka daganay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.
Madaxweyne Faroole ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland iyo Madax kale kuwaasi oo lagu wado in ay kulamo badan ku yeeshaan Nairobi.
Wafdiga Madaxweyne Dr.C/raxmaan Faroole ayaa waxaa la filayaa in uu maanta kulan la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cumar C/rashiid.
Labada Masuul ayaa waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan ariumaha Ammaanka iyo Wadashaqeynta iyo khilaaf ka dhashay hishiis dhawaan ay Gaal-Kacyo ku gaareen.
Madaxweyne Faroole ayaa galabta xiliga uu Ra’iisul wasaaraha la kulmo ka dib waxaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho qaar ka mida hay’adaha Samafalka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.