Madaxweynaha Puntland oo balan ku qaaday in la dayactirayo dhammana wadooyinka Magaalooyinka Puntland.

Posted on Oct 4 2009 - 9:04am by News Desk
Tweet
Pin It

froolleBartamaha(Boosaaso):-Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa balan qaaday in la bilaabayo dayactir guud oo lagu samaynayo wadooyinka iyo dhismayaasha Magaalooyinka Puntland.

Madaxweyne Dr.C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiida uu u istaagayo dayactirka wadooyinka iyo dhismayaasha muhiimka ah.

C/raxmaan Faroole ayaa hadalkaasi shalay ka sheegay munaasabad lagu soo afjarayay dayactid muddo 3-Sano lagu samaynayay garoonka Bandar-Qaasim Ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa rajjo wanaagsan ka muujiyay shaqada ay qabsan karaan Bulshada reer Puntland isagoo muujiyay sida ay maamulkooda heeganka u yihiin wax ka qabashada deegaanada Puntland

Madaxweynaha ayaa ugu danbayntii ugu baaqay Jaaliyadaha Puntland ka soo jeeda in ay ka qeybqaataan dib u dhiska deegaanadaasi oo uu sheegay in xiligan dayactir wanaagsan lagu samayndoono.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.