Madaxweynaha Liibiya oo difaacayaal Dalkooda ku tilmaamaya Burcad Badeeda Soomaaliya.

Posted on Sep 24 2009 - 9:30am by News Desk
Tweet
Pin It

qdafiBartamaha (New York) Madaxweynaha Liibiya ayaa shaaca ka qaaday in ay Kooxaha Burcad Badeeda loogu yeero yihiin difaacayaasha Dalkooda Soomaaliya islamarkaana qalad lagu haysto.

Madaxweyne Mucamar Al-qadafi oo xalay ka hadlayay Xarunta Qaramada Midoobe ayaa waxa uu difaacay xaquuqda ay leeyihiin kooxaha Burcad badeeda lagu magaacabay oio uu sheegay in ay yihiin difaacayaal dalkooda.

Madaxweyne Qadaafi ayaa tilmaamay in ay wada qaldan ku taaganyihiin dowladaha xeebaha Soomaaliya maraakiibtooda geeyay.

Mucamar Al-qadaafi ayaa sheegay in Xeebaha Soomaaliya dhibaato xoogan lagu hayo islamarkaana ay Dowlado badan ay kaluumaysi sharci dara ah ka wadaan biyaha soomaaliya.

Halkan ka daawo fiidiyoowga oo aanu idiin soo duubnay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia