Iran (www.Bartamaha.com):- Madaxweynaha Iran ayaa si kulul u weeraray wadamadda reer galbeedka oo uu shegey in ay ka aamuuseen wax u qabashadda dadka ku dhimanaya soomaaliya iyo wadamadda geeska Africa kuwaa oo ay heeso xaalad macluul ah.
Wakaaladda Wararka Dalka Iran ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah madaxweynaha in uu ballan qaaday 25-Million oo dollar oo wax looga qabanaayo dadka abaaraha ay ku heestaan Soomaaliya.
Madaxweynaha waxa uu yiri:“Duyuuradaha duqeenaya Libya haddii raashin iyo dawo loogu soo qaadi lahaa Soomaaliya waa ay ka fiicnaan lahayd xaaladda sidda hadda ay tahay Soomaaliya.”
“Haddii la dhihi lahaa maalintii kun gantaal ku garaaca maalin xittaa kuma qaadan lahayn in ay isku waafaqaan. Laakin abaarta geeska Africa waxa laga qabto ayaa waxa ay ku qaadatay lix bilood iyo wax ka badan” ayuu yiri Maxmuud Axmedii Najaad.
W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Somalia