Bartamaha (Asmara) Madaxweynaha Dowlada Eritrea  ayaa warqad qoraal siyaasadiisa soomaaliya ka hadlaysa u gudbiyay Madaxweynaha Dowlada Yaman.
Isaias Afewerki Madaxweynaha Eritrea ayaa la xaqiijiyay in uu warqad fariin ah u diray dhigiisa dalka Yaman taasi oo uu ku sharaxayay Xaalada Dalka Soomaaliya iyo siyaasadiisa ku wajahan Soomaaliya.
Qoraalka Madaxweyne Afwerki ayaa la xaqiijiyay in uu ku weeraray siyaaasada Maraykanka iyo Itoobiya Ee Dalka Soomaaliya isagoo ku baaqay in la joojiyo fagalinta dowladaasi Ee Dalka Soomaaliya.
Ugu danbayntii madaxweyne Isaias Afewerki ayaa ugu baaqay Yaman in aanay taageera buuxa siinin dowl;ada soomaaliya maadaama aanay shacabka soomaalira raali ka ahayn.
Qoraalkan ka soo baxay madaxweyne Afewerki ayaa imaanaya xilli horey uu dowlada Masar ugui bandhigay fekradiisa dhanka wadanka Soomaaliya islamarkaana uu ku baaqayay in faragalinta laga joojiyo dalkaasi dhibaatadu ku dhacday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.