Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu dhawaan u anbabaxayo dhanka Magaalada Washington si uu aqalka cad kulamo kula soo qaato madax ka tirsan Maraykanka.
Warar lagu kalsoonyahay oo laga helaayo xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa ay shegayaan in ay jirto warqad casuumaad ah oo madaxweynuhu uu ka helay dhanka aqalka Cad Ee Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu casuumaadaasi u aadi doono magaalada Washington halkaasi oo la filayo in uu kulamo kula yeesho madax ka mida Aqalka cad.
Wadaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu isku diyaarinayo socdaalkaasi iyadoo ay ku wehlin doonaan qaar ka mida wasiirada dowlada soomaaliya kuwaasi oo ah madaxda wasiirada kuwa ugu muuqda xagga siyaasada.
Safarakan la filayo in madaxweyne Shariif uu u aado Magaalada Washington ayaa daba jooga kulan dhawaan uu la yeeshay hillery Clinton Xog-hayaha Arimaha Dibada Wadanka Maraykanka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.