Bartamaha (Gaal-Kacyo):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo shaaca ka qaaday in falkii lagu xasuuqay Culimada Tabliiqa uu ahaa mid laga soo maleegay koonfurta Gaal-kacyo.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Falkaasi uu ahaa mid waxashnima ah islamarkaana aan ku bannaaneyn shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida in la dilo ruux muslim ah .
Dr.C/raxmaan Faroole Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland  ayaa sheegay in ciidamadooda xagga ammaanka ay isku howleen in ay baacsadaan ragga dilka qorsheysan maanta u geystay 5-nin oo Bakistaaniyiin ah iyo 2-Soomaali ah kuwaasi oo ka mid ahaa Culimada Tabliiqa.
Hadalka Canbaaraynta ah Ee ka soo baxay Madaxweynaha Punland C.raxmaan Faroole ayaa waxa uu imaanayaa xilli Saaka arootii hore dilal laga argagaxay ay ka dheceen masjid ku yaala Magaalada Gaal-kacyo kuwaasi oo kooxihii geystay dilalkaasi ay baxsadeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.