Madaxweyaha Dalka Djabuti oo Booqasho uu ku yimid muqdishoo ka dib dib ugu laabtay Djbuuti

Posted on Aug 16 2011 - 9:20am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

geelle(Muqdisho www.Bartamaha.com):- Waxa maanta barqadii garoonka duyuuradaha Aadan Cadde, soo fadhiisatay duyuurad gaar ah oo sidda wafdi ballaran oo uu hogaaminaayo madaxweynaha dalka Djbuti Ismaacil Cumar Geelle.

Wafdiga Madaxweynaha waxa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka , Ra’iisal wasaaraah iyo xubo kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda KMG ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan sharaf waxa ay kaga qaateen ciidamadda qalabka sidda ee dowladda KMG ah,

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle iyo wafdigiisa ayaa waxa durba lagu soo wareejiyay Xeradda Badbaado ee degmadda Dharkeenleey oo ay hooy u tahay kumanaan qof oo u badan dad ka soo cararay abaarta kaa tagan Dalkeena.

Madaxweynaha ayaa siddoo kale waxa uu tagay isbitaalka hooyadda iyo dhalaanka ee Banaadir oo ay jiifaan caruur cuduro badan qaba.

Intaa ka dib ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya, halkaas oo ay kulamo hadda kula lee yihiin madaxda sare ee dowladda.

Waxa illo ku dhow wafdiga madaxweynaha ayaa ii sheegay madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle in uu goor dhow shirjaraa’id uu ku qaban doono safaaradda Djbuti ay ku lee dahay magaaladda Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle uu soo booqdo dalka Soomaaliya tan markii uu xunka dalka aan walaalaha qabtay sanadkii 1999-kii,

Madaxweynaha ayaa sheegay Muqdisho in  ay ugu dambeesay 1988-dii, muqdisho uu yimid hadda iyadoo burburtay

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay booqdeen wasaaradda warfaafinta iyo radio muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen waxa uu shirjaraa’id ku qabtay safaraada Djabuti ay ku lee dahay magaaladda muqdishoi madaxweynaha ayaa sheegay in aad uga damqay waxyaabaha uu ku arkay magaaladda muqdisho meelaha uu booqda,

Si kastaba madaxweynaha iyo wafdigooda ayaa galabra ka duula magaaladda muqdisho iyagoo gaaray caasimadda dajbuuti

W/D: Xafiiska Wararka Muqdisho Somalia ee Bartamaha.com