Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay War shalay Alshabaab ka soo yeeray.

Posted on Jan 12 2010 - 5:23pm by News Desk
Tweet
Pin It

madax2Bartamaha(Muqdisho):-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa been abuur iyo mar marsiiyo ku tilmaamtay war sheegayay in Madaxtooyada Qaraxyo laga soo maleegayo taasi oo ay Dowlada iska fogaysay.

Wasiirka Madaxtooyada Dowlada Soomaaliya Xasan Macalin aya sheegay in Madaxtooyada aanay daganayn Sarakiil Ajanib ah balse ay Mdaxda Dalka ku shaqeeyaan Villa Somalia.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in Madaxtooyada aanay ka shaqeyn abid dhibaataynta shacabka soomaaliyeed balse ay mar waliba u taagantahay wanaajinta iyo ka fikirida aayaha Umada Soomaaliyeed.

Xasan Macalin Wasiirka Madaxtooyada Dowlada KMG ah ayaa Shabaab ku sheegay Beenaalayaal doonaya in ay umada qaraxyo ku xasuuqaan si shrirkadaha ay sheegeen loogu saariyo.

Masuulkaasi ayaa hadalka Alshabaab eek u aadan qaraxyada uu yahay mid hordhac ah oo ay doonayaan qaraxyo ay ka sameeyaan guud ahaan dalka soomaaliya oo Suuqyada iyo goobaha ganacsiga ay ku qarxinayaan.

Hadalada la ismu jawaabay ee Dowlada iyo Alshabaab ka soo kala yeeray eek u wajahan qarxinta shacabka goobaha ay joogaan ayaa Bulshada soomaaliyeed ee Muqdisho dagan shakki ku abuuray.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.