Bartamaha (Doolow):- Masuliyiinta Dowlada Fd Soomaaliya Ee ku sugan deegaanka Doolow ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan abaabulo dagaalo ay ku qabsanayaan Gedo iyo Jubooyinka.
Sargaal ka mida Ciidamada Dowlada Ee ku sugan Deegaanka Doolow oo lagu magacaabo Cabdi Barre Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan abaabulo ay dib ula wareegayaan Deegaanada Gobolka Gedo iyo Jubooyinka halkaasi oo lagala wareegay.
Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay jiraan ciidamo ka tirsan dowlada oo xiligan ku sugan jiida hore Ee doolow kuwaasi oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay u dhaqaaqaan deegaanadii ay ka soo jeedeen.
Masuulkan ka mida Ciidamada dowlada islamarkaana xilli ahaa afhayeenkii Maamulka Gedo ayaa waxa uu ku hanjabay in uu awood ku gaari doono gurigii uu ka daganaa magaalada Baardheere .
Hadalkan ka soo baxay sargaalkaasi ka mida Ciidamada dowlada Ee Doolow ayaa waxa uu jawaab u ahaa hadal shalay uu jeediyay masuul ka mida Xizbul Islaam kaasi oo ku aadanaa in Ciidamada dowlada ay uga digayaan abaabulka dagaal oo ay wadaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.