Bartamaha(Puntland):-Madaxda Dowlada Goboleedka Puntland ayaa maanta lagu wadaa in ay sameeyaan Laba aas-qaran oo lo kala samaynato Taliyaha Booliiska Puntland iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland.Â
Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa maanta lagu wadaa in ay aas qaran u kala sameeyaan Labada masuul Ee saacadaha is xigay ku kala geeroyooday Magaalooyinka Gaal-kacyo iyo Garoowe.
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo aadan uu ka qeyb-galo aaska Wasiirka Warfaafinta Dowladiisa oo kooxo hubaysan ay ku dileen Magaalada Gaal-kacyo .Â
Dhanka Magaalada Garoowe ayaa la filayaa in masuuliyiin dowlada Puntland ka mida ay ka qeybgalaan aaska Taliyaha Booliiska Puntland Ee xalay Magaladaasi isku dilay.
Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa maata oo kaliya ay u taalaa 2-Tacsi ka dib markii shalay kooxo hubaysan ay dileen Wasiirkii Warfaafinta Puntland iyo Xalay uu dil isku geystay taliyihii Ciidamada Booliiska Puntland.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.