Madaxda Baarlamanka Soomaaliya oo rajjo ka qaba in la sii daayo Laba Xildhibaan oo u xeran Ethiopia.

Posted on Mar 6 2010 - 8:01am by News Desk
Tweet
Pin It

baarlamanka maantaBartamaha(Muqdisho):-Gudoonka sare Ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa rajjo ka muujiyay in dhawaan la sii daayo Laba Mudane oo ku xeran Magaalada Jigjiga Ethiopia.

Gudoomiye Xigeenka 2-aad Baarlamanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore ayaa shaaca ka qaaday in ay xiriir wanaagsan la sameeyeen madaxda Ethiopia si lo sii daayo Xildhibaanada ku xeran Jigjiga.

Cismaan Cilmi Boqore ayaa rajjo ka muujiyay in la sii daynayo dhawaan labada Xildhibaan eek u xeran Jigjiga kuwaasi oo Etrhiopia ay xeratay xilli ay marayeen Magaaladaasi.

Boqore ayaa muujiyay in ay ka xunyihiin in weli xabsi ay ku jiraan Laba Mudane oo Baarlamanka ka mid ah isagoo sheegay in xernaanshahooda ay keentay iska warqab la’aanta Mudanayaasha Baarlamanka dhex taala.

Cismaan Boqore Gudoomiye xigeenka Baarlamanka ayaa waxa uu ku celiyay in ay dadaal ugu jiraan sii daynta Labadaasi Mudane oo xeran muddo bil ka badan kuwaasi oo maxkamad lagu xukumay in la soo taago.

Xiriirada ay wadaan madaxda Baarlamanka ayaa waxa ay rajjo galisay in labada Mudane ee xeran dacwadooda la dabciyo iyadoo dhawaan dib loo dhigay maxkamad la doonayay in la soo taago.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.