Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic nuuca hoobiyayaasha ah ayaa maanta lagu garaacay Xaafadaha la jaarka ah Xarunta ay baarlamanka ku shiraan Ee hoolkii shirarka Wasaaradii Cadaalada iyo Maamulka G/Banaadir Ee Xiligan.
Inta la xaqiijiyay ilaa 5-ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 30 kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib madaafiic ku dhacday Xaafado ka mida Degmada X/Weyne.
Gabi ahaanba waxaa kala cararay Mudanayaashii Baarlamanka soomaliya xiligii ay soo dhacayeen Madaafiicda oo ay socotay fekrad dhiibashada Mudanayaasha Baarlamanka qaarkood.
Kulanka Baarlamanka Fd Soomaaliya ayaa maanta ay kaga  doodayeen mowshinkii muranka uu ka dhashay Ee heshiska xagga Badda ay wada gaareen dowlada Soomaaliya iyo Kenya
Xildhibaanada kulankaasi ka soo qeybgalay ayaa lasheegay in ay gaarayeen ilaa 342-Mudane kuwaasi oo 18-ka mida ay hadalo iyo fekiro ka dhiibteen kulankaasi.
Mudanayaasha is qoray ee doonayay in ay halkaasi ka dhiibtaan fekerkooda ku aadanaa Mooshinkaasi ayaa waxa ay gaarayeen ilaa 30-mudane wallow ay halkaasi ka hadleen 18Xildhibaan ayaa intooda badan waxa ay sharci daro ku tilmaameen heshiiskaasi Badaha.
Shirkii Baarlamanka ayaa maalintii Labaad ka dhacay Muqdisho iyadoo lagu soo afmeeray weeraro hoobiyayaal shacabka waxyeela u geysatay iyadoo ay jiraan cabasho ka soo yeeraysa shacabka ugu badan eek u barakacay Degmada X/Weyne.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.