Bartamaha (Muqdisho) Wasiiro iyo Saraakiil Ciidamada Dowlada ka mida ayaa maanta ka badbaaday madaafiic lagu garaacay Ex-Control Afgooye halkaasi oo ay b ooqasho ku tageen.
Sida Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com soo gaarsaysa waxaa mantra Madaafiic ka badbnaaday Wasiirka Lacagta Dowlada Soomaaliya Ing.C/laahi Yariisow ,Taliyaha Ciidamada Militariga Dhuumaal iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta oo booqasho ku joogay Ex-Contro, Afgooye.
Illaa 5-Madfac oo nuuca Hoobiyaha ayaa waxa ay ku dheceen meela aan kala dheereen oo ay taagnaayeen gawaarida Masuuliyinta kuwaasi oo halis galiyay nolosha Wasiirka iyo Labada Taliye Ciidan.
Illaa 5-Askari ayaa ku dhaawacantay Weerarka iyadoo burbur xoogan uu garay dhammaan gawaarida madaxda la weeraray kuwaasi oo muraayadahooda ay arkeen dadka socdalka ku maray wadada.
Masuuliyiinta la weeraray ayaa dhammaan waxa ay ka gaabsadeen qaabkii ay wax u dheceen maadaama ay ku guda jireen booqshadooda caadiga ah ee goobtaasi lacagaha gaadiidka looga qaado.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.