Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic u badan Hoobiyaha ayaa maanta ay isdhaafsadeen Ciidamada Amisom iyo Islaamiyiinta Dagaalka wada deegaanda Kaxda Muqdisho.
Madaafiicda ayaa waxa ay bilowdeen markii Kooxaha Mucaaradka ay duqeyn u geysteen Xarunta Ciidamada AMisom ee dhisamaha Jaamaca Umada ka dibna Jawaab ay ka bixiyeen.
Madaafiicda Jawaabta ah ee ka dhaca Xarumaha Ciidamada Amisom ayaa waxa ay sababaan qasaaraha ugu badan maadaama lagu garaaco xaafadaha shacabka ay ku badanyihiin.
Maanta ayaa waxaa madaafiicda ku dhintay in ka badan 4-ruux 5-kale dhaawaca ayaa soo gaaray markii Saddex Madfac ay iskula dheceen meel ay gabaad ka dhiganayeen shacabkaasi.
Shalay ayay ahayd markii madaafiicdii ugu badnayd lagu garaacayay Xaafado ka mida Suuq Bacaad halkaasi oo qasaara badan uu ka soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.