Bartamaha(Muqdisho):-Dakada Magaalada Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta lagu garaacay tiro madaafiic ah taasi oo qasaara ay ka soo gaartay qaar ka mida shaqaalaha iyo xamaaliga dakadaasi.
Madaafiicda oo ahayd illaa 4-Madfac oo nuuca Mortarka ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dheceen gudaha iyo hareeaha Dakada taasi oo la sheegay in laga soo riday goobaha ay joogaan Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Mid ka mida Madaafiicda ayaa waxa uu ku dhacay mid ka mida Bakhaarada dakada oo xiligaasi ay howl ka socotay taasi oo sababtau geerida 2-ruux iyo dhaawaca 3-kale kuwaasi oo dhammaantood ah shaqaalaha dakada.
Muddo kooban kabid  oo xaalada dakada ay kacsanayd ayaa jawigu uu caadi ku soo laabtay iyadoo dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay ay goobtaasi ka qaadeen gawaarida gurmadka deg-dega ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.