Madaafiic galabta lagu garaacay xaafado ka mida Degmada Kaaraan Ee Muqdisho iyo qasaaraha ka soo gaaray rayidka oo sii kordhaya.

Posted on Jul 5 2009 - 7:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

463Bartamaha(Muqdisho):-

Madaafiicdan oo u badnaa nuuca Hoobiyaha ayaa waxa ay galabta ku hoobanaysay xaafadaha Arjantiin,Sanca iyo deegaano kale oo badanaa ka mida Degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Madaafiicda ayaa intabadan waxa ay ku dhacayeen xaafadaha ay dadka daganayeen oo inta badan laga barakacay balse ay yarayd saamaynta dagaalada tooska ah ay ku yeesheen xaafadaha galabta la duqeeyay.

Inta la ogayahay waxaa ku geeriyootay madaafiicdaasi ilaa 20-ruux oo rayid ah halka dhaawaca ay sii dhaafayaan ilaa 30-kale kuwaasi oo u badan dad rayid ah isl;a mar’ahaantaana ay ku habasdeen madaafiicda aan loo meelka dayin oo xilli waliba lala beegsado xaafadaha ay ka agdhowyihiin Islaamiyiinta Mucaaradka ah.

Xiliga ay madaafiicda ku hoobanaysay xaafadaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Kaaraan ayaa waxa barbar socday dagaalo foolka fool ah oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo xoogaga Mucaaradka kuwaasi oo ka dhacayay aagaga hore ee la isku horfadhiyay Ee Degmada Shibis iyo C/Casiis.

Madaafiicda maanta lagu garaacay xaafadaha Arjantiin iyo Sanca ayaa ahaa kuwii ugu badnaa abid lagu garaacay xaafadahaasi balse waxa ay qeyb ka ahaayeen duqeymo galab waliba loola bartay xaafadahaasi ay ka agdhowyihiin Xoogaga Islaamiga ah ee ku dhawaaday xarunta Villa Somalia.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.