Madaafiic galabta lagu garaacay Bakaaraha iyo qasaara ka dhashay Duqeyntaasi.

Posted on Oct 1 2009 - 5:35pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC05254

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bartamaha(Muqdisho):-Madaafiic u badan Hobiyaha ayaa galabta lala beegsaday Suuqa  Ganacsiga Bakaaraha halkaasi oo qasaara uu ka soo gaaray dad rayid ah.

Madaafiicda ayaa la sheegay in ay ahayd mid lala bartilmaameedsaday gudaha Suuqa Bakaaraha oo kaliya ayaa waxa ay sabab ka dhigtay dhimashada 4-ruux oo laba ay Haween ahaayeen iyo dhaawaca 6-kale oo dhammaan ah dad rayid ah.

Jawiga Magaalada ayaa xiliga duqeynta ay dhacaysay waxa uu ahaa mid xasiloon islamarkaana aanay jirin wax dagaal ama duqeun ah oo ka socday guud ahaa Magaalada Muqdisho.

Duqeynta galabta Bakaaraha lagula dhaqaaqay ayaa dad badan waxa ay soo xasuusisay maalin ka hor duqeyn Filanwaa ahayd oo loo geystay Suuqaasi Bakaaraha oo dada badan ay ku la’deen Dowlada Soomaaliyana ay cambaareysay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.