Maareeyihii Dekada Muqdisho oo Xilka laga qaaday iyo mid Cusub oo la magacaabay.

Posted on Apr 6 2010 - 8:03am by News Desk
Tweet
Pin It

dekadaBartamaha(Muqdisho):-Wareegta Saaka ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xilka looga qaaday Maareeyihii Dekada Muqdisho ING.Cabdi Jiinow Calasow oo muddo saddex sano ah xilkaasi haayay.

Wareegtada Saaka ka soo baxday Xafiiska Dr.Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu wargaliyay dhammaan madaxda ay quseyso oo xilkiina looga qaaday Maareeyihii Dakada.

Wareegtada ayaa lagu Magacaabay Maareeyaha Cusub ee Dakada Muqdisho oo loo magacaabay Xasan Cali Macalin oo maanta la wareegaya xilkii Cabdi Jiinow laga xayuubiyay.

Xil ka qaadista Maareeyihii hore ee Dekada Muqdisho ayaa timid muddo markii la isku haystay xil ka qaadista Masuulkaasi wallow markii dambe la qanciyay beesha uu ka soo jeedo Maareeyihii hore.Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia