Maanta ayaa lagu wadaa in hishiis laga gaaro dagaalo beleedyadii ak dhacay Deegaanka Xarardheere.

Posted on Aug 16 2009 - 5:36am by News Desk
Tweet
Pin It

shirka xarardheereaBartamaha (Xarardheere):- Deegaanka Xarardheere ayaa maanta lagu wadaan in xal looga gaaro dagaaladadii dhawaac ka dhacay Deegaankaasi iyadoo ay socanayso qabanqaabo hishiisyo laga gaaro dagaaladaasi.

Odayaashii iyo Waxgaradkii ku jiray qaboojinta xiisada colaadeed iyo dagaaladii dhawaac ka dhacay Deegaanka Xarardheere halkaasi oo haatan ay ka socoto dib u hishiisiin iyo hishiisyo kala sixiixasho.

Maxmed Sheekh Axmed oo aha Gudoomiyihii hore Ee Deegaanka Xarardheere oo ka mida waxgaradka wada dadaalada hishiisiinta beelahaasi ayaa waxa uu sheegay in ay maanta ku rajo weynyihiin in la kala sixiido qeybtii ugu muhiimsanayd joojinta dagaalada.

Maxmed Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in labada dhinac aanay jirin wax shuruuda ah oo ay wataan islamar’ahaantaana ay ka danbeeyaan go’aanada ay soo saaraan waxgaradka beelaha walalaalaha ah iyo kuwa dagaalada ku soo baxay intaba.

Isku soo duubi wararka laga helayo Deegaanka Xarardheere ayaa sheegaya in ay maanta soconayso qabanqaabada heshiiskii 1-aad oo labada dhinac ay ka gaaraan dagaalada dhexdooda ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.