Maamulka Xizbul Islaam Hiiraan oo amaro dul dhigtay dadka ku dhaqan Magaalada Balad-Weyne.

Posted on Nov 25 2009 - 8:04am by News Desk
Tweet
Pin It

balad-weyne2Bartamaha(Balad-Weyne):-Maamulka Xizbul Islaam ayaa soio saaray amaro la dul dhigay bulshada ku dhaqan Magaalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan.

War Saxaafadeed uu soo saaray Maamulka Xizbul Islaam Hiiran ayaa waxaa lagu faray bulshada ku dhaqan Magaalada Balad-Weyne in ay qaataan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Xizbul Islaam ayaa waxa ay sheegtay in dhammaan la farayo bulshada ku dhaqanka Shareecada Islaamka gaar ahaan dhowrista Waqtiyada Salaadaha iyo  qaadashada Xijaabka Haweenka.

Maxamed Wehliye Odawaa oo ka mida Saraakiisha Xizbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in Magaalada ay tahay mid nabad ah lana fulinayo dhammaan Xuduuda shareecada Islaamka.

Sargaalkaasi ayaa bulshada reer Balad Weyne ugu baaqay in ay shareecada ku dhaqmaan oo ay ku dhaqan galiyaan go’aanadan muddo 7-cisho gudahood ah dhammaan ku dhaqanka shareecada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.