Maamulka Xizbul Islaam Buur-Hakaba oo xabsiga dhigay Wadaad si weyn looga yaqaan Gobolada Bay iyo Bakool.

Posted on Oct 5 2009 - 1:03pm by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha(Buur-hakaba):-Ciidamada Xizbul Islaam ayaa la xaqiijiyay in ay xabsiga soo dhigeen wadaad si weyn looga qadariyo Gobolada Bay iyo Bakool taasi oo muran xoogan abuurtay.

Maamulka Xizbul Islaam ayaa la xaqiijiyay in ay amar ku bixiyeen xariga Sheekh Cali Isaaq oo lagu Eedeeyay abuurida muran u dhexeeyo laba qoys oo dhul beereed ku dagaalay.

Xariga wadaadka ayaa lagu soo waramayaa in  ay caro xoogan ka muujiyeen qaar ka mida dadka dagan Gobolada Bay iyo Bakool iyadoo la soo sheegayo in ay Odayal badan Xizbul Islaam ku Eedeeyeen sharci daro.

Sheekh Cali Isaaq ayaa la sheegay in uu xal hore ka gaaray muran dhul Beereed ku salaysna balse haatan dib u soo laabtay taasi oo la sheegay in dhinac ka mida dadka is hayaa ay Eedeyn iyo Dacwad ka soo gudbiyeen wadaadkaasi.

Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Bay ayaa la sheegay in ay gaareen deegaanka Deynuunay halkaasi oo la soo sheegayo in wadaadkaasi uu ku xeranyahay iyadoo ay kulan arintaasi ku aadan ay Xizbul Islaam la leeyihiin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.