Maamulka Xizbul Islaam Afgooyeoo balan ku qaaday in ay Dagaal la galayaan Dowlada Soomaaliya.

Posted on Oct 6 2009 - 9:58am by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha(Afgooye):-Maamulka Xizbul Islaam Degmada Afgiooye ayaa wacad ku maray in ay la dagaalamyaan Ciidamada Dowlada hadii weerar ay Sh/hoose ku soo qaadaan.

Madaxa Dacwada ahna Afhayeenka Maamulka Xizbul Islaam Afgooye ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaalo la galayaan Ciidamada Dowlada hadii ay weerar ku soo qaadaan.

Sheekh cali cumar xaaji cabdi Afhayeenka Maamulka Xizbul Islaam Afgooye ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada lagu rajjo weyn yahay in lagu soo weeraro Magaalooyinka Sh/hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay soo wataan Saraakiil uu ku jiro Insha Cadde iyo C/qaadir Maxmed Nuur gudoomiyihii hore Ee Gobolka si deegaankaasi ay ula wareegaan.

Maamulka Xizbul Islaam ayaa ugu baaqay in Ciidamada Dowlada in aan lagu soo qaldin gobolka isagoo ugu hanjabay in ay dhibaato gaarsiin doonaan hadii weerar isku so dayaan.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Gudoomiyihii hore Ee Gobolkaasi dhanka Dowlada uu dhawaan sheegay in ay doonayaan weerar lagu qabsado Gobolkaasi sh.hoose si dowlada ay gacanteeda loogu soo celiyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.