Maamulka Xizbul Islaam Afgooye oo soo saaray amaro ka dhan ah gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Posted on Aug 3 2009 - 4:00pm by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha(Afgooye):-Maamulka Xizbul Islaam Afgooye ayaa soo saaray go’aano ay ka gaareen qaabka shaqada gaadiidka isaga goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Madaxda Xizbul Islaam Ee Afgooye ayaa soo saaray amaro gaadiidka lagu farayo in ay yareeyaan xawaaraha ay ku maraan wadada aadka u yar Ee ka dhaxeysa Muqdisho iyo Afggoye.

Go’aankan ay gaareen Madaxda Xizbul Islaam ayaa waxa uu ku baaqayaa in dhammaan wadayaasha gaadiidka ay yareeyaan qaabka ay u kexeeyaan gaadiidka xiliyada ay marayaan wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye .

Gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooyea ayaa inta badan waxa ay sababaan shilal kala duwan taasi oo uu qasaara ka soo gaaro shacbka bareakacayaasha ah.

Wadayaasha gawaarida Qaadka ayaa ah kuwa inta badan dhibaata kala duwan ee xagga shilalka gawaarida sababa iyadoo ay ku kexeeyaan gawaarida xowli aad u sareeya taasi oo keenta isku dhacyo gawaarida kala duwan Ee wadadan marta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.