Bartamaha(Afgooye):-Warar naga soo gaaray Afgooye ayaa sheegaya in maanta hawada laga saaray Shirkada Nationlink markii Ciidamo ay xoog ku galeen xarunta shirkadaasi.
Ciidanka Xizbul Islaam oo hubaysan ayaa xoog ku galay Xarunta shirkada Nationlink iyagoo amray in ay soo saaraan masuulka shirkadaasi .
Dhammaan ilaalada xarunta ayaa hubka laga dhiga.iyadoo la faray in ay albaabka ka baxaan iyadoo halkaasi laga watay masuulkii qeybtaasi Degmada Afgooye Ee Shirkada Nationlink.
Ciidanka Xizbul Islaam ayaanan la garan ujeedada ay xarunta u galeen islamarkaana ay hawada uga saareen shirkada Isgaarsiinta Nationlink iyagoo albaabyada u laabay dhismaha shirkada.
Galabta ayaa la soo sheegayaa in la daayay agaasimaha shirkadaasi C/lahi Iidow oo saaka ay xerteen Xizbul Islaam islamarkaana ay isgaasriinta amreen in dib loo daaro.
Warar lagu kalsoonyahaya ayaa sheegaya in shirkadaasi laga rabay lacago la dul dhigay dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa Xawaaladaha Degmada Afgooye.
Inta badan maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka socanayay Degmada Afgooye baaritaan xoogan kaasi oo barbar socday lacago adag oo canshuur lagu sheegay taasi oo shacabka iyo shirkadaha la saaray.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.