Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Afgooye oo gacanta ku soo dhigay nin xalay dil ka geystay gudaha Degmadaasi.

Posted on Jul 14 2009 - 5:34pm by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam Ee Degmada Afgooye ayaa galinkii danbe Ee Maanta gacanta ku soo dhigay nin xalay dil u geystay nin kale ka dib muran tooshka la ifsado ka dhashay oo xalay halkaasi ka dhacay.

Dilka xalay ka dhacay Afgooye ayaa la sheegay in uu ahaa midkii ugu yaabka bandaa ee halkaasi ka dhaco iyadoo uu ka dhashay ka dib muran dhexmaray laba nin oo ilaala ka ahaa goobaha Bkhaarada ganacsiga Ee Degmadaasi waxa ayna ku murmeen tooshasha la ifsado xiliyada mugdiga.

Labada nin ayaa la sheegayaa in mid ka mida uu sheegtay tooshka uu haystay midka kale taasi oo sababtay gacan ka hadal ay ka danbaysay toorey lagu doxay ninkii sheegtay in uu lahaa Toosha uu watay ninka wax dilay.

Ciidamada Ammaanka Degmada Afgooye ayaa maanta oo idil waxa ay wadeen baadi-goob ay ku hayeen ninka Gacan ku dhiiglaha ah kaasi oo gacanta u soo galay galabta xilli danbe iyadoo haatan la dhigay xabsiga Deegaankaasi.

Madaxa Ammaanka Maamulka Xizbul Islaam Afgooye Max’uud axmed koofuroow ayaa sheegay in dhawaan ay maxkamada shareecada islaamka soo taagi-doonaan ninkaasi gacan ku dhiiglaha ah.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.