Maamulka Ximin iyo Xeeb oo cabasho ka muujiyay Kaluumaysato ajaanib ah oo dhibaata ku haya Kaluumaysatada Deegankaasi.

Posted on Aug 1 2009 - 7:59am by News Desk
Tweet
Pin It

cadaadoBartamaha(Cadaado):-Maamulak deegaanka Ximin Iyo Xeeb ayaa walaac ka muujiyay Kooxo kaluumaysato ajaanib hubaysan ah oo baacsi ku haya kaluumaysatada deegaanada Maamulkaasi ismagacaabay.

Gudoomiyaha Maamulka Deegaanada Ximin iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in ay jiraan Maraakiib Kaluumaysi oo inta badan dagaal ku haya Kaluumaysatada Deegaanada Xiin-Barwaaqo iyo xadka Gobolka Gal-gaduud.

Gudoomiyaha Deegaanada Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in ay jiraan kooxo Kaluumaysata dhibaata ku haya Jilaabatada Deegaanadooda kuwaasi oo ku dhaqaaqa in ay soo ceersadaan Kaluumaysatada soomaaliyeed iyo in ay biya kulul u furan mararka qaarna ay rasaas u adeegsadaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay Kaluumaysatadan yihiin kuwii Bilaabay Burcad badeednimada ka dib cadaadiska ay saareen Kaluumaysatada soomaaliyeed taasi oo uu ka digay in dadka deegaanadan ay xiligan danta biddo in ay burcad badeed noqdaan ama difaacayaasha xeebaha dalkooda.

Cumar Maxamed Diiriye ayaa ugu baaqay dhammaan Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Xeebaha Soomaaliya in ay tallaabo ka qaadaan Kaluumaysatada Burcad badeeda ah Ee sharci darada uga jalaabata Xeebaha Soomaaliya isagoo dhaliil u jeediyay awoodaha shisheeyaha ah ay maraakiibtooda joogaan Xeebaha Wadanka Soomaaliya.

Dhammaan wadamada ay Ciidamada iyo Maraakiibta ka joogaan Xeebaha Soomaaliya ayaa la sheegaa in aanay wax talaaba ah ka qaadin Kaluumaysatadan Soomaalida ah Ee Xeebaha Soomaaliya sida sharci darada ah uga jalaabata.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.