Maamulka Xarakada Alshabaab Kismaayo oo fuliyay Xukuno Tacsiir ah

Posted on Nov 7 2009 - 12:00pm by News Desk
Tweet
Pin It

tacsiirBartamaha(Kismaayo):-Maamulka Xarakada Alshabaab Magaalada Kismaayo ayaa fuliyay Xukuno kala duwan oo tacsiir ah.

Illaa 10-ruux oo dinbiya kala duwan lagu Eedeeyay ayaa Xukuno tacsiir ah lagu fuliyay fagaaraha beerta Xuriyada Ee Magaalada Kismaayo.

Dadka lagu tacsiiray fagaaraha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in ay qaarkood ahaayeen kuwa lagu soo qabtay daawashada Aflaamta Mobilada lagu shubto.

Dhalinyarada fagaaraha lagu xukumay ayaa waxa ay noqonyaan tiradii ugu badnayd ee mar qura Magaalada Kismaayo lagu tacsiiro.

Ma aha markii ugu horeysay ee la xukumo dhalinyaro lagu Eedeeyo daawashada aflaamta anshaxĂ‚  darada ah oo Magaalada Kismaayo laga mamnuucay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.