Maamulka Xarakada Alshabaab Baydhabo oo ku hanjabay in ay burburin ku samaynayaan gobo ganacsi guada Baydhabo.

Posted on Oct 4 2009 - 7:43am by News Desk
Tweet
Pin It

baydhaboBartamaha(Baydhabo):-Maamulka Xarakada Alshabaab Magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabayaan burburin gobo ganacsi sharci dara ah gudaha wadooyinka Baydhabo.

Sheekh Maxamuud Xaaji Mukhtaar Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Alshabaab Baydhabo ayaa ku hanjabay in ay dhammaan dhulka dhigayaan goobaha ganacsiga wadooyinka Magaaladsa Baydhabo hadii aanay  ganacsatada kala bixin hantidooda.

Gudoomiye Xigeenka ayaa hadalka sheegay ka dib markii digniin ay u jeediyeen ganacsatada islamarkaana ay u hogaansami waayeen amarka Maamulka Alshabaab Bsydhabo.

Sheekh Maxamuud Xaaji ayaa dhanka kale sheegay in dhawaanahan ay wadeen kulamo ay la yeelanayaan ganacsatada si meel la iskula dhigo goobaha la dhisanayo gudaha Suuqyada Baydhabo.

Masuulkaasi Maamulka Alshabab Baydhabo u hadlayay ayaa waxa uu ugu danbayntii ku dooday in ay ka dhaga fureysteen ganacsatada amarada Maamulka ka soo baxaya islamarkaana ay Ciidamadooda maalinta birita ah fasax u yihiin in ay burburin ku sameeyaan goobahaasi ganacsiga.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.