Maamulka walaayaada islaamiga ee Gobolada jubbooyinka oo ku baaqay in dhicanyadii kula dagaalamay gudaha magaalada kismaayo dhaawacyadooda la keeno isbitaalka guud ee magaalada kismaayo

Posted on Oct 4 2009 - 8:05am by News Desk
Tweet
Pin It

kismayo

bartamaha(kismayo):- Afhayeenka walaayada silaamiga ah ee Goboladani jubbooyinka shikh xasan yacquub cali ayaa ku baaqay in dadkii ku dhaawacmay dagaalkii maalinimadii qamiistii aynu soo dhaafney ka dhacay gudaha magaalada kismaayo  ee ka tisanaa cidaamadii uu hogaaminayey Axmed max’med islaam Axmed madoobe  in la soogaarrsiiyo isbitaalka guud ee magaalada kismaayo si looga daaweeyo ayuu yiri dhawacyadii ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay gudaha magaalada kismaayo kuwaas oo uu sheegay in iminka dhaawacyadoodiilagu hayo goobo ka mid ah gudaha magaaladani kismaayo ee axrunta G/J/Hoose 

Shekh xasan  yacquub cali ayaa sheegay in ayagu damaanad qaadayaan Amaanka  iyo daaweynta dadkaasi ka tirsanaa xoogagii kula dagaalamay magaaladani kismaayoee xarunta G?J/Hoose  Afhayeenka walaayada islaamiga ah ee Goboladani jubbooyinka shekh xasan yac quub cali waxa uu intaasi sii raaciyey in ay ayagu ogyihin dadka tirsan ciidamadii ka soo horjeeday ee haatan dhaawacyadoodii ay ku dhibaateysan yihiin goobo ka mid ah gudaha magaaladani kismaayo asagoona ugu baaqey Ehelada iyo dadka gaacnta ku haya dhibanayaashaasi ku dhaawac may dagaalkii maaliniadii qamiistii aynu soo dhaafney gudahaam magaalada kismaayo ku dhex marey  ciidaamadii uu hogaaminayey  Axmed maxamed islaam Axmed madoobe oo ka tirsan saraakiisha ururka xisbul islaam iyo ciidamo taabacsanaa walaayada islaamiga ee GOboladani jubbooyinka ee hoostaga urur diimeedka xarakatu shabaabul mujaahidiin in la soo gaarsiiyo isbitaalka guud ee magaalada kismaayo si looga dabibo ayuu yiri dhaawacyada iyo dhibaatooyinka ay qabaan 

Inkastoo masuulkani uu sheegay in ay jiraan dad ka tirsan dhinacyadii kala dagaaalmay gudaha magaalada ksimaayo ee haatn dhaawacyadoodii lagu hayo goobo ka mid ah gudaha magaaladani kismaayo ayaa hadana  Axmed madoobe iyo saraakiisha kale ee ururka xisbul ay san sheegin in  qaar ka mid ah askartii kaga dhaawacantay dagaalkii magaalada kismaayo ay san kaga tagin kismaayo iyo goobihii dagaalku ka dhacay midnaba Haseyeeshee marka la Eego qaabkii uu u dhacay islamarkaana uu u soo gaba gaboobey dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay gudaha magaalada kismaayo ayaa waxaa suurta gal noqonkarta in ay ciidamadaasi ka tageen qaar ka tirsan ciidamadii kaga dhaawacmay dagaalkii magaalada kismaayo waxaana xusid mudan in habenimadii jamcada ee uu galabteedii soo gaba gaboobay in dadweynaa reer kismaayo ay soo duugeen qaar ka tirsan meydadka dhinacyadii ku dagaalamay gudaha magaalada ksimaayo gaar Ahaan  ciidamadii uu hogaaminayey Axmed max’em islaam Axmed madoobe oo ka tirsan saraakiisha uruka xisbul islaam kuwaasi oo ay sida muuqata dantu u masaabixi weya in ay gabi ahaanba la amba baxaan askartii kaga dhimatay ama kaga dhaawacan tahay dagaalkii ay la galeen iidama walaayada silaamiga ee gobolaadani jubooynka .

 

Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com