Bartamaha (Afgooye):-Maamulka Ururka Xizbul Islaam Degmada Afgooye ayaa faah faahin ka bixiyey falkii shalay lagu dhaawacay laba qof oo rayid ah gudaha Suuqa Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
Madaxa Dacwada ahna Afhayeenka Maamulka Ururka Xizbul Islaam Degmada Afgooye Sheekh Cali Cumar Xaaji ayaa sheegay in ay xariiro la sameeyeen ehelada labada qof ee ladilay, dhawaana xabsiga soo dhigi doonaan gacan ku dhiiglahaasi.
Sheekh Cali Cumar Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in ninka falka dilka ah geystay ay ogaadeen, balse kaliya u harsan tahay in ay soo qabtaan oo ay xabsiga soo dhigaan.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in dilalka iyo dhaawacyada inta badan dhacaan, balse ay ku dadaalayaan maamulkooda sidii ay ku xakamayn lahaayeen, gacan ku dhiigle kastana u xukumi lahaayeen, si ay u yaraadaan ku dhiiranaashaha falalkaasi oo kale.
Shalay ayay ahayd markii nin Bastoolad ku hubaysnaa laba qof ku dhaawacay Suuqa Degmada Afgooye, mana cada ilaa iyo imminka ninkaasi ujeedka uu u dhaawacay labadaasi qofood.
Xafiiska bartamaha wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.com
Muqdisho somalia