Bartamaha (Tooro-toorow) Maamulka Deegaanka Toorotoorow ayaa shaaca ka qaaday in ay xukuno ku ridayaan kooxo burcad ah oo dhawaan soo galay gacanta maamulka deegaanka.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Tooro-toorow oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay maxkamad soo taagayaan dhawaan kooxo burcad ah oo gacanta maamulka soo galay
Masuulkaasi u hadlayay maaamulka deegaanka ayaa waxa uu tilmaamay in kooxaha burcadnimada lagu Eedeeyay la soo qabtay xilii ay ku howlanaayeen falal ammaan daro ah.
Dhawaan ayay ahayd xiligii ay qabanayeen Ciidamada maamulka Alshabaab Toorotoorow kooxo hubaysan oo rasaaseeyay gaari uu lahaa masuul sare oo ka mida Maamulka Deegaanka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.