BARTAMAHA(Hargaysa):-Maamulka gooni isku taiga Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaal la galayaan Kooxda Alshabaab si loo sugo ammaanka dalka.
Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo shalay ka hadlayay Munaasabad loogu baroordiiqayay dadkii gaaraya 24-ruux eek u dhintay Weeraradii ismiidaaminta Kooxda Alshabaab Hargaysa ay ka geysatay 29-bishii October 2008.
Madaxweyne Riyaale ayaa sheegay in qaraxyada ay ka danbeeyeen Kooxda Alshabaab Soomaaliya oo uu sheegay in ay yihiin koox Qatar ah oo argagixisa ah.
“Somaliland waxa ay dagaal ba’an la galaysaa Alshabaab oo aan kula dagaalameynaa meel walba maadaama ay yihiin koox Qatar ah oo qorsheynaysa weeraro kale oo dad lagu laayo..â€ayuu yiri Madaxweyne Daahir Riyaale.
Hadalkan ka soo yeeray Maamulka Somaliland ayaa ah midkii ugu horeeyay oo ay ugu goodiyan Alshabaab iyadoo horey ay Kooxdaasi qaraxyo uga geysatay Hargaysa kuna hanjabtay dagaal ay la galayaan diblumasiyiinta Itoobiya iyo danaha dowladaasi ee dhulka Somaliland.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.