Maamulka Shabaab Balad Xaawo oo ku baaqay in laga guuro dhismayaashii Dowlada.

Posted on Apr 8 2010 - 10:09am by News Desk
Tweet
Pin It

somalis1_600Bartamaha(Balad Xaawo):-Maamulka Kooxda Alshabaab Degmada Balad-Xaawo ayaa ku baaqay in laga guuro dhammaan dhismayaashii Dowladii dhexe.

Maamulka Baladxaawo ayaa waxa ay ammar ku bixiyeen in maalmo gudahood lagu baneeyo dhammaan dhismayaasha danta guud ee Dowladii hore lahayd.

Dhismayaasha ay l;ahayd Dowladii dhexe ayaa la sheegay in la donayo in laga dhigo gobo ay ku shaqeeyaa Maamulka Alshabaab Ee Degmadaasi Baladxaawo.

Macalin Daa’uud Maxamed Gaarane madaxa Alshabaab Balad-Xaawo ayaa u sheegay dadka dagan dhismayasha Dowlada in ay uga guuraan muddo saddex maalimood ah.

Masuulkaasi ayaa xusay in ay ka caawinayaan dadka dagan dhismayaasha sidii ay u dagi lahaayen gobo ay ku noolaan karaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.