Maamulka Puntland oo raali galin ka bixiyay khalad laga galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya .

Posted on Oct 4 2009 - 7:39am by News Desk
Tweet
Pin It

barlamankkaBartamaha(Garoowe):-Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa raali galin buuxda ka siisay xildhibaano Dowlada Soomaaliya ka mida dhacdo dhawaan lagula dhaqaaqay Woqooyiga Gaal-Kacyo.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Puntland BashiirĂ‚  Maxamed Mire ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay xildhibaanada Dowlada ka tirsan ka raali galinayso dhacdadii foosha xumayd ee dhawaan ku qabsatay Gaal-Kacyo.

Bashiir Mire ayaa sheegay in Xildhibaanada aanay markii hore la soo xiriirin madaxda sare balse ay ka xunyihiin qaabkii ay ula dhaqmeen Ciidamada Maamulka.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa meesha ka saaray in ay jirto amar madaxda maamulka ka soo baxay oo lagu diidanaa Xildhibaanadaasi balse waxa uu muujiyay Siyaasada ka dhaxaysa Maamulka Puntland iyo Dowlada dhexe.

Maalintii Jimcaha ayay ahayd xiligii Xildhibaan Maxaxmed Dhaqali Cilmi Aar iyo taliyaha Ciidamada Dowlada Hiiraan loo diiday in ay galaan woqooyiga Gaal-Kacyo taasi oo cara xoogan ka keentay mudanayaasha Baarlamanka qaakood.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia