Bartamaha (Galkacyo):- Maamulka Puntland ayaa maanta Xukun dil ah ka fuliyay gudaha Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.
Xukun dil ah ayaa maanta si toos ah loogu filiyay Laba nin oo horay loogu helay fal dil ahaa oo ay u gaysteen Askari ka mid ahaa Ciidanka Puntland oo ay ku dileen gudaha Magaalada Gaal-Kacyo Ee Gobolkaasi Mudug.
Xeer Ilaaliyaha maxkamada sare ee Puntland Caaqil Jaamac Nugaa oo xukunka horay ugu riday labadaasi nin ayaa waxa uu maanta amray in dilkooda la fuliyo iyadoo lagu toogtay fagaare ku yaala Woqooyiga Gaalkacyo.
Labada Nin oo horay u dulay Askari ka mid ahaa Ciidanka Booliiska Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa toogasho ku fuliyay Ciidankii uu ka mid ahaa Askariga ay horay u dileen Labadasi nin ee maanta la toogtay.
Xukunkan la fuliyay ayaa noqonaya mid si muuqda dadka oo daawanaya lagu fuliyo Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolkaasi Mudug waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen in ay dilayaan qof walba oo fal dil ah gaysta.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.