Maamulka Puntland oo ka ka fakaraya Sidii xuduudaha ay la wadaagaan Soomaaliya loo xeri lahaa.

Posted on Oct 6 2009 - 10:44am by News Desk
Tweet
Pin It

puntland logoBartamaha(Boosaaso):-Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa Kulan ka yeeshay Xaalada ammaanka Maamulkaasi iyadoo Xadka Ciidamo loo diyaarinayo.

Kulan balaaran oo xalay iyo shalay galinkii danbe ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa Maamulka Puntland ay si weyn uga tashaday hanjabaadyo ka soo gaaray dhanka Islaamiyiinta iyo sidii loga hortagi lahaa.

General C/laahi Siciid Samatar Wasiirka Amniga Qaranka Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland oo ka hadlayay kulanka Ammaanka looga hadlayay ayaa soo jeediyay in la xero dhammaan xuduudaha si ammaanka aanu faraha uga bixin.

Gen.C/laahi Siciid Samatar Wasiirka Amniga ayaa muujiyay qatarta ka imaan karta hanjabaada kooxaha Islaamiyiinta oo xilli waliba Qatar galin kara ammaanka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay muhiimada ay amniga u leedahay in Xuduudaha la xero ama la xoojiyo ammaankooda isagoo sheegay in dhibaata wadayaal ay ku soo dhexdhuuman karaan dadka Boosaaso soo buuxiyay.

Gen.Samatar ayaa ugu danbayntii ku baaqay in la diyaariyo Ciidamada Ilaalada Xuduudaha si loo xero Xadadka ay Puntland la wadaagto gobolada Soomaaliya si la isaga caabiyo weerarada Islaamiyiinta ka imaan kara.

Hadalkan ka soo yeeray Masuulkaasi ayaa imaanaya xilli dhawaan hanjabaad ay jeediyeen Saraakiil Alshabaab ka mid ah kuwaasi oo wacad ku maray in howlgalo ay ka bilaabayaan Maamulka Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.