Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa ka dalbaday dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya in ay muddo 5-maalmood ah isku diiwaan galiyaan.
Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegeen in lagu amray in ay isdiiwaan galiyaan ama ay isaga baxaan guud ahaan Deegaanada Puntland.
Madaxda dhanka ammaanka ayaa hordhigay dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Soomaaliya in ay isdiiwaan galiyaan si ammaankooda loo sugo lana ogaado dadka qaska ka wada Puntland.
Mid ka mida ganacsatada ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya balse ku shaqeysta Magaalada Garoowe ayaa saxaafada u sheegay in la faray diiwaan galinta ama in ay isaga baxaan Puntland.
Madaxda dhanka ammaanka ayaa waxa ay dalbadeen in muddo kooban ay isku diiwaan galiyaan dadka ka soo jeeda Koonfurta soomaaliya oo shakki looga qaaday masuuliyada dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalooyinka Puntland.
Shalay ayay ahayd markii jirdil lagu dilay laba wiil o dhalinyara ah kuwaasi oo maydkooda laga helay duleeka Magaalada Gaal-Kacyo iyagoo ka tirsanaa xoogsatada Bay iyo Bakool ka soo jeeda ee Puntland ku dhaqnayd.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.