Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Islaamiga ee Magaalada marka ayaa maanta waxa ay si rasmi ah u bur-biriyeen qabuuro ku yaalay Gudaha Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolkaasi Sh.Hoose.
Sheekh Max’ed Suldaan oo ka mida madaxda maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Marka ayaa qiray in ay gabi ahaanba bur-buriyeen qabuuro oo uu sheegay in lagu haayay Munkar ama Dinbi sida uu sheegay wadaadkaasi.
Ciidamada maamulka Islaamiga ah Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa saaka aroortii hore waxa ay bur-0burin kula dhaqaaqeen qabuuro ku yaalay Gudaha Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Qabuuraha la bur-buriyay ayaa mid ka mida waxaa ku aasnaa Sheekh Cali Maye oo ah wadaad ay si weyn u siyaartaan Culkimada Suufiyada Dalaka soomaaliya iyadoo sidoo kale ay ahayd goobta la bur-buriyay Mowlac ay karaamaysanm jirteen Culimada Deegaanadaasi.
Wadaadkan u hadlay maamulka Magaalada Marka ayaa waxa uu ku dooday in ay gacantooda ku bur-buriyeen Waxyaabo Munkar ah sida uu sheegay kuwaasi oo ahaa Qaburo la caabudayo oo ku yaalay Magaalada Marka Gudaheeda.
Ma aha markii ugu horaysay Ee kooxda maamulka Magaalooyinka Sh/Hoose ay ku dhaqaaqaan fal lagu duminayo qabuuraha ku yaala Gobolkaasi iyadoo arintaani ay ka jirtay Gobolo dhowr ah oo ay ka arimiyaan Xoogaga Islaamiyiinta ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia