Maamulka Magaalada Kismaayo oo daboolka ka qaaday in ay weeraro ku qaadayaan gudaha Dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Posted on Jun 30 2009 - 8:13am by News Desk
Tweet
Pin It

kismayoBartamaha(Muqdisho):-Maamulka Islaamiga ah Ee Magaalada Kismaayo ayaa wacad ku maray in ay weeraro ku qaadayaan gudaha dalalka Itoobiya iyo Kenya haddii ay isku dayaan dhaqdhaqaaqyo ay soomaaliya ku soo galayaan. 

Sheekh C/qani Maxmed Yuusuf oo ah Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in xiligan wixii ka danbeeyay ay weerarayaan gudaha dalalka Itoobioya iyo Kenya isagoo sheegay in dalalkaasi ay ka dhaga adeegayaan baaqyada ka soo baxaya Maamulada Mujaahidiinta sida uu sheegfay masuulkaasi.

Wadaadka Gudoomiye ku xigeenka ah ayaa tilmaamay in looga baahanyahay wadamadaasi in aanay gudaha u soo galin dalka Soomaaliya isagoo ku hanjabay in dhammaan Mujaahidiinta ay gudaha dalalkaasi galayaan haddii aanay ha waantoobin Ciidamada ay u soo dirayaan xuduuda dalalkaasi ay la wadaagaan Soomaaliya. 

Masuulkaasi Maamulka Islaamiga ah Ee Kismaayo u hadlay ayaa hanjabadaasi waxa uu sheegay in ay tahaya go’aankoodii ugu danbeeyay haddii aanay Dowladahaasi ka joogin Soomaaliyana ay tagayaan Magaalooyinka Nairobi iyo Addis-Ababa.

Hanjabaadan ka soo baxday Maamulka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uga horeeyay qaar ka mida Madaxda Xoogaga Alshabaab kuwaasi oo fariin digniin ah u diray dhammaan wadamada doonaya in ay Ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.