Maamulka Kismaayo oo Maanta ka hadlay Kulankii Madaxweeyne Sharif la yeeshay Wasiirada Arimaha Dibadda Dalka Mareykanka “Hillary Clinton”

Posted on Aug 10 2009 - 11:13am by News Desk
Tweet
Pin It

bartamahaBartamaha (Kismayo) Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobbalka Jubbda Hoose ayaa Maanta Ka Hadlay Kulankii uula Yeeshay Madaxweeyne Shariif  Haweenayda Arimaha Dibada u qaabilsan Dalka  Marekanka, iyadoona Maamulku sheegay in Dowlada Mareykanka ay Qorysheyneyso in ay Dhibaato ka abuurto Gobollada Dalka Qeybahooda ay nabada ka jirto.

Madaxa Warfaafinta Maamulka Kismaayo Sheekh Xassan Yacquub Cali” oo Maanta la Hadlayay Saxaafadda  ayaa waxa uu sheegay in Hub kasta oo ay Dowlada Mareeklanka Siiso Dowladda KMG ah aysan waxba kaga Qaadi Karin oo ay la dagaalami doonaan waa sida uu Hadalka u dhigaye.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Kulanka  Madaxwayne Shariif uu Layeshay Hillary Clinton ay u Arkaan inuu Lamid yahay Kulamadi Hore ee ay Dowladii Cabdullahi Yuusuf ay lamnid yihin isalamarkaana aysan jirin wax Farqi ah oo udhaxeeyo Dowladaii Hore iyo Tan hada Madaxwayne”Sharif”

Hadalka  Maanta Kasoo Baxay  Maamulka islaamiga ah ee kismayo ayaa axa uu imaanayaa Xili Dhawaan uu Madaxwayne Shariif Sheeq Axmed Kulan kula Yeeshay Dalka Kenya Wasiiradda Arimaha dibadda Dalka Mareykanka Hillary Clinton.

Ismaaciil Cali Cabdi

Bartamaha-Kismayo