Maamulka Islaamiga degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose oo soo saaray amaro dhoowr ah

Posted on Dec 10 2009 - 2:46pm by News Desk
Tweet
Pin It

bartamaha

bartamaha(dhoobley):-maamulka Islaamiga ee dhawaan looga dhawaaqay Deegaanka Dhoobley ee gobolka J/hoose islamarkaana hoostagta xarakada Mujaahidinta Al Shabaab ayaa shalay waxaa ay soo saareen dhowr qodob oo dadweynaha ay u sheegeen in la fuliyo.

Madaxa Amniga maamulka Islaamiga ee degmada Dhoobley Daa’uud Xasan Cali ayaa www.bartamaha.com go’aamadaasi uga warbixiyay waxaana uu tilmaamay sheq,da,uud in dadweynaha aan la arki Karin iyagoo taagan xiliyada salaada meelaha wadooyinka isagoo carabka ku dhuftay in dadka isticmaala sigaarka iyo qaadka ay u sameeyeen meelo cayiman oo ka baxsan magaalada dhoobley

Qodobadaan oo ay Sheegeen Maamulka Wilaayada Islaamiga ee Deegaanka Dhoobley in Shareecada islaamka lagu oogayo ayaa waxaa sidookale ka mid ah in xiliyada salaada la xiro goobaha Ganacsiga, in Gabdhaha ay Xijaabka sidii loogu talagalay u qaataan iyo qaadka oo ay sheegeen in gudaha magaalada aan lagu iibin Karin iyagoo sheegay in meelo gaar ah ay u sameeyeen..

sikastaba ha,ahaatee waa markii ugu horeysay tan iyo intii la dhisay maamulka islaamiga ah ee Degmada dhoobley ay soosaaraan awaamir ceykaan oo kala ah Dhawaan ayey aheeyd Markii Wilaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka ay maamulka kaga dhawaaqeen deegaankaasi dhoobley kaa oo hoostagayo xarakada shabaabul mujaahidiin.

Wararka Xaqiiqda ah kala soco www.Bartamaha.com

Kismayo-Somalia