Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo furay Xafiis loogu tabarucayo dadka tabaaleeysan

Posted on Aug 31 2009 - 5:09pm by News Desk
Tweet
Pin It

kismayo

Bartamaha(Kismayo):- Xafiiskani ay fureen maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo ayaa la sheegay in lacago deeqa ah loogu aruurianayo dadka dan’yarta ah ee ku dhibaataysan gudaha magaalada kismaayo

Maamulka ayaa qaybaha kala duwan ee bulshaad ugu baaqay in ay lacagaha sakatul fidriga ugu deeqaan walaalahooda dhibaataysan waxaana kamida ahaa dadka loogu baaqay in ay lacagaha sakada keenaan xafiiskaasi ganacsatad beeraleyda iyo xoola dhaqatada G/J/hoose sida uu saxaafada u xaqiijiyey gudoomiyaha gudiga lacag aruurinya xafiiskaasi shiikh c/ raxmaan Cali muuday

 Sidoo kale Sheekh C/raxmaan ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee awoodi kara in ay bixiyaan Zakaatul Fidriga ay ku soo hagaajin Xafiiskan Cusub si loo gaarsiiyo Dadka tabaaleysan, aysan waajib ku tahay qof walba oo muslim ah, isagoo intaasi sii raaciyay in ay zakadu tahay tiir kamid ah Tiirarka Islaamka.

 Hase yeeshee xafiikani oo maanta si toos ah uga shaqa bilaabay Gudaha magaalada kismayo ayaa lasheegay in sababaha loo furay ay tahay sidii loogu tabaruci lahaa dadka ku tabaaleeysan gudaha Magaalada Kismaayo oo aan heli karin Qutul Duruuriga iyo weliba in ay iska bixiyaan Zakaatul Fidriga Waajibka ah ee Fooda inagu soo haysa.

Inkastoo la sheegay in lacagahani si toos ah ugu wajahanyihiin bixinta Zakaatul Fidriga ee fooda inagu soo haysa islamarkaasina loogu tabarucayo Dadka tabaaleysan ayaa hadana arintani waxay imaaneysaa xilli tan iyo horaantii bishani barakeysan ee Ramadaanka dadaalo iyo olole loogu gurmanayo dadka tabaaleeysan si aad ah looga dareemayay gudaha Magaalada Kismaayo, iyadoona culumaa’udiinka iyo ganacsatada gobolkani jubada hoose ay dhawaan hirgeliyeen ilaa iyo 4 goobood oo lagu afurinayo Dadka aan awoodin in ay iibsadaan afurka iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Bisha barakeysan ee ramadaanka.

  Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com

 Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia