Bartamaha (Kismayo) :- Maamulka islaamiga ee magaalada kismaayo ayaa socdaalo ay ugu kuur galayaan dhinaca amaanka ku soo maray tuulooyin kamid ah Gobalka J/dhexe islmarkaasi gaarisiyay deeq lacageed.
 Xubnahaan ka tirsan Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismayo ayaa socdaal dheer oo ay ugu kuurgalayeen dhinaca Amaanka iyo mida Nololeed kusoo marey Tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobalka j/dhexe islamarkaasina dhinaca Galbeed kaga aadan Degmada Jilib ee gobalka  Jubba dhexe, waxaana tuulooyinka ay socdaalka ku soo mareen Xubnahaasi kamid ah Tuulada Baladul raxmo ama loo yaqaano Faragurow oo ku taalo Daanta Galbeed ee wabiga jubba islamarkaasina ay ku noolyihiin dadka qabo cudurka Juudaanka oo ayagu mudo sanado ah ku noolaa Deegaanadaasi.
 Hasayeeshee dadkani qabo Cudurka Juudaanka oo ay Dowladii Hore ee Soomaaliya dejisay Deegaanadaasi ayaa Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo uu gaarsiiyay Deeq Lacageed oo gaarayso ilaa Labaatan iyo Todobo Malyan oo shilinka Soomaliga ah kana timid qaar kamid ah Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Ingariiska ayna u soo mariyeen Maamulka Islaamiga ee Magalada kismayo taasoo loogu talagaley ilaa sagaal boqol iyo konton qof oo qabo cudurka Juudaanka kuna nool Tuuladaasi.
 Kadib  gaarsiinta deeqdaasi uu gaarsiiyay Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismayo Dadkaasi ku tabaalaysan deegaanadaasi ayaa waxaa Maamulka Islaamiga ee Magaalda Kismaayo uu ka codsadey Umada Soomaaliyeed in ay u gargaaraan Dadkaasi Walaalahooda ah ee ku dhibaataysan Tuulaasi Faraguroow.
 Waa markii ugu horaysey ee Maamulka Islaamiga  ee Magaalda Kismaayo uu Booqasho caynkaasi oo kale ah uu ku tago Deegaano ka tirsan Goabalka Jubba Dhexe.
Â
Ismaaciil Cali Cabdi
bartamaha Kismayo-Somalia