Hadalkaan ayaa maanta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo waxa ay ku sheegeen Fikirkooda ku aaday Hubkan loogu Deeqay Dowlada KMG ah in ay kula Dagaalanka Xoogaga Islaamka ee kasoo horjeedo.
Â
Maamulka Kismaayo ayaa waxa ay xuseen in Hubkani uu kamid yahay waxyaabaha loogu talo galay in lagu xasuuqo Mujtamaca Muslimka ah ee Soomaaliyeed islamarkaasina lagu wiiqo Cududa Mujaahidiinta waa sida ay hadalka u dhigeene.
Â
Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sheek Xasan Yacquub Cali oo isagu Maanta Shirkaasi Jaraa’id Amuurahaasi kaga warbixiyay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Hubkaasi uu noqon doono mid ay Hantaan Xoogaga Mujaahidiinta oo haatanna uu sheegay in ay ku dagaalamaan aalaaba Hub ay horay uga furteen oo laga soo dhiibay Dalal uu ku tilmaamay Cadowga Umadda Soomaaliyeed kanna uu noqon doono buu yiri Hub soo gala Gacanta Mujaahidiinta oo uu noqon Doono wax uu ku tilmaamay Qaniimo
Â
Islamarkaasina afhayeenku waxa uu kaloo Carabka ku dhuftay in hubkaasi uu shalayto ku noqon doono Cidii hore usoo dhiibtay Maadaama buu yiri la fashilin doono Yoolkoodii ahaa in la baabi’iyo Mujtamaca Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Â
Hubkan Dowlada u dagayo iyo Hadalka Maamulka Kismaayo oo ka daba yimid ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xilli labadii Maalmood ee lasoo dhaafay wax xoogaa xasilooni ah laga dareemayo Caasimadda Dalka ee Muqdisho, lamana garanayo Hubkaan u dagayo Dowlada waxa uu ka badali doono Hannaanka Nabadeed ee Muqdisho oo labadaan Maalmood ku naalooneysay Wax xoogaa Xasilooni ah.
Warar Xaqiiq ah Kala Soco www.Bartamaha.comÂ
 Kismayo Somalia